COVID-19
- COVID-19 Home
- Situation Update
- About COVID-19
- Testing
- Vaccine
- Protect Yourself & Others
- Medications
- Materials & Resources
- Stories of Community Outreach & Partnership
- Contact Us: COVID-19 Questions
Information for
- Health Care
- Prisons, Detention Centers, & Homeless Service Sites
- Businesses & Employers
- Schools & Child Care
- Institutions of Higher Education
Related Topics
Tallooyin Ku Socda Dadka Kasoo Qeyb Gala Xafladaha iyo kuwa Abaabula oo ku Saabsan: KOFID-19
Boggan Ka aqri:
Dadka kasoo qeyb galaya xafladda
Ka hor xafladda
Inta lagu guda jiro xafladda
Xafladda ka dib
Haka qeyb galin haddaad xanuunsantahay ama aad is karantiisha
Dadka xafladda abaabulay
Maaskarada
Baarista
Hawa qaadashada
Ka fogoow ciriiriga
Qosheynta iyo xiriirka
Caafimaadka shaqaalaha
Tallooyinka hoos ku qoran waxay ka caawin karaa dadka aadaya xafladaha ama kuwa abaabulaya in ay hoos u dhigaan faafitaanka iyo khatarka cudurka KOFID-19. Xaflad waa kulan kasta oo kulmiya dad badan oo ka kala yimid guryo kala duwan iyo meel gaar ah ama goobaha dadwaynaha (tusaale, munaasabadaha isboortiga, masraxyada, riwaayadaha, aroosyada, aaska). Talooyinkan sidoo kale waxaa ku jira goobo si joogto ah ugu adeega dadweynaha (tusaale, matxafyada, goobaha taariikhiga ah).
Si guud, mar kasta ay dadka is dhexgalaan oo ay aad isugu dhawaadaan waqti badana uu qaato is dhexgalkooda, waxaa ka dhalan kara khatar uu ku faafo fayraska KOFID-19. Arintaan waa mabda' guud oo quseeya dhammaan noocyada xafladaha iyo sida uu ku faafo cudurkaan.
Dadka ka qeyb galaya xafladaha
In aad kaga qeyb gasho xaflad meel ka baxsan gurigaaga waxaa ku sugan khatar la xiriirta isku gudbinta KOFID-19, marka waa muhiim inaad ogaato sida naftaada iyo tan dadka kalaba looga ilaaliyo cudurkaan. Halkaan eeg Protect Yourself & Others. Tallaalka oo aad qaadato waa taxadarka ugu muhiimsan eel aga doonayo qofka in uu la yimaado. Wixii macluumaad ah oo la xiriira tallaalka, booqo About COVID-19 Vaccine.
Xafladda ka hor
- Hubi heerka KOFID-19 ee bulshada. Eeg oo ka hubi xarunta xakamaynta iyo ka hortagga cudurada (CDC) heerka bulshada COVID-19 by County si aad u hesho xog ku saabsan heerka bulshada uu ka joogo gaar ahaan degmada iyo goobta oo aad ku kulmaysaan iyo tallooyinka iyo istaraatijiyadaha ku wajahan heerkaas. Sidoo kale tixgeli heerka bulshada COVID-19 ee goobta ay martidadu ka soo safrayaan si ay kaaga caawiso go'aan ka gaarista haddii taxadar dheeraad ah loo baahan yahay.
- Go' aanso haddii aad khatar weyn ku sugantahay. Halista xanuunada way sii kordhaan marka dadka ay waynaadaan iyo qof kasta oo jira da' kasta kaas oo qaba xaalado caafimaad wuxuu khatar ugu jiraa in uu aad ula jirado cudurka KOFID-19. Wixii faah faahin oo dheeraad ah oo la xiriira xaaladha caafimaad kuwaas oo khatar galin kara qofka kuna ridi kara xanuuno halis ah, booqo halkaan CDC: People with Certain Medical Conditions.
- Dadka halista ugu jira xanuunada khatarta ah waxaa ka mid ah:
- Dadka jira 65 sano iyo wixii ka weyn
- Dadka uu jir difaacooda liito (difaac la'aan).
- Dadka qaba xaalado caafimaad oo gaar ah, sida sonkorta, aad u cayilan ama miisaankoodu waynyahay; walaac; isla hadal; ama kelyaha, beerka, sambabka iyo cudurada wadanaha.
- Dadka uurka leh ama dhlamada kadi
- Dadka qaba sonkorta
- La adal dhaqtarkaaga haddii aad u sugan tahay khatar aadna qorsheenayso sidii aad yeeli lahayd haddii lagaa helo cudurkaan. Waxaad u baahan kartaa in lagaa daweeyo haddii khafiif ama dhex-dhexaad tahay xaaladaada marka lagaa helo KOFID-19 waa haddii aad tahay bukaan socod. Halkaan booqo COVID-19 Medications wixii faah faahin dheeraad ah oo ku saabtan halista iyo dooqyada daawaynta.
- Marka heerka bulsho ee cudurkaan uu aad u sareyo khatarna aad ugu sugan tahay cudurkaan, ka fakar inaad iska ilaaliso xafladaha iyo barnaamiyyada gudaha lagu qabto oo aan muhiimka aheyn iyo goobaha dadwaynaha isugu yimaadaan oo hawlaha lagu qabto.
- Dadka halista ugu jira xanuunada khatarta ah waxaa ka mid ah:
- Is ilaali intaadan bixin. Iska ilaali dhaq-dhaqaaqa halista leh ugu yaraan laba usbuuc ka hor xafladda ( tusaale, meelaha dadka isugu yimaadaan ee gudaha ah).
- U safar si badqab leh. Haddii ay tahay inaad u safarto xalfad, fadlan raac tallooyinka hay'adda CDC ee quseeya socdaalka gudaha ah iyo midka caalamiga ah. Halkaan ka eeg CDC: Travel.
- Ka fakar in aad is baarto adiga oo isticmaalaya habka baarista KOFID-19 ee degdegga ah maalinta aad leedahay xaflad. Waa muhiim in aad is baarto haddii aad dhexgalayso dad khatar ugu jira cudurkaan. Haddii aad go'aansato inaad is baarto, ogoow halka aad iska baari karto ama raadso oo hel qaabka la isku baaro adiga oo miiska dushiisa ka gadanaya aaladaas haddii ay xaflada soconayso maalmo badan iyo maalmaha fasaxa sida sabti iyo axad.
Inta lagu guda jiro xafladda
- Xiro maaskaro si fiican kuu la'eg marka lagu taliyo ama lagaaga baahan yahay. Waxaad dooran kartaa inaad xirato maaskaro waqti kasta adiga ayey kugu xirantahay.
- Marka uu heerka bulsho ee cudurka uu badan yahay, qof kasta waa in uu xirtaa maaskarada xilliga uu kusugan yahay gudaha iyo goobaha dadwaynaha ay isugu yimaadaan.
- Dadka uu jir difaacooda uu liito ama khatar ugu sugan in ay aad u xanuunsdan iyo dadka ka ag dhawba waa in ay xirtaan maaskarada xitaa haddii heerka bulshada ee cudurkaan uu dhex-dhexaad yahay ama uu hooseeyo.
- Waxaad dooran kartaa in aad xirato maaskaro haddii aad ku dareemaysid badqab, iyada oo aan loo eegayn in ay jirto khatar shakhsi ah ama aadan eegin tallooyiinka hay'adda CDC ee heerka bulsho ee cudurkaan ee ku quseeya KOFID-19.
- Xiro maaskaro ku difaacaysa tii aad heli karto, taas oo si fiican kuu la'eg waana in aad u xirataa si joogta ah.
- Si aad wax ooga barato tallooyinka ku saabsan xilliga la xirto maaskarada iyo nooca maaskarada ee si fiican kuu difaacaysa, booqo halkaan Waji-xirka: KOFID-19.
- Iska ilaali meelaha ciriiriga ah ee gudaha ah waxaadna ku dadaashaa inaad joogto bannaanka haddii heerka bulsho ee cudurkaan uu aad u sareeyo. Iska ilaali dhaq-dhaqaaqyo sababi kara in uu kordho in hawda la isugu gudbiyo.
- Iska dhaq gacmaha ama isticmaal saabuunta gacmaha la isaga nadiifiyo si joota ah. Wax ka baro caafimaadka gacmaha oo halkaan ka eeg Hand Hygiene.
Xafladda ka dib
- Ka fakar in aad is baartid 5 maalmood kadib haddii aad ka qeyb gashay xaflad ay halisteeda badantahay, sida xaflad lagu qabtay goob gudaha ah oo weyn halkaas oo dadka aysan xirneyn maaskaro, aysan tallaalayn, ama aysan kala fogeyn. Dhaqso is baar haddii aad isku aragtid astaamaha.
- Samayso qorshe aad si degdeg ah isku baari kartid haddii aad isku aragtid astaamaha cudurka, tusaale, inaad isticmaasho aalada guriga la isku baaro. Waa muhiim in aad dhaqso isku baartid kadib marka aad isku aragtid astaamaha, xitaa haddii ay yihiin khafiif.
Haddii lagaa helo cudurka aadna ku sugatahay khatar, la xiriir daryeel bixiyahaaga caafimaad si dhaqsa ah ama raadso daawada KOFID-19 adiga oo ogaanaya xogta daawaynta iyo in aad u qalanto. Daawaynta waa in ay bilaabitaa si dhaqsa ah (shan ilaa iyo todob maalmood gudahood waxayna ku xirantahay daawada) iyada oo laga bilaabayo biloowga astaamaha.
Ha tagin xafladaha haddii aad xanuunsantahay ama aad is karntiishay haddii aad ka agdhawaatay qof qaba cudurka
- Haddii aad la xanuunsantahay aadna isku aragto astaamaha guud ee cudurka KOFID-19, is baar. Wixii la xiriira macluumaadka is baarida ee Minnesota, booqo halkaan visit COVID-19 Testing. Haddii aad xanuunsantahay ama lagaa helo cudurka, ha tagin xafladaha waxaadna raacdaa tilmaamaha is karantiilka, halkaan eeg macluumaadkaas If You Are Sick or Test Positive: COVID-19.
- Haddii aad ka agdhawayd qof qaba cudurka KOFID-19, booqo halkaan Close Contacts and Quarantine: COVID-19 si aad wax ooga barato qofka habboon in uu guriga joogo (iyo mudada aad xirnaanayso maaskarada).
Dadka abaabula xafladda
Dadka abaabula xafladda waxay qaadi karaan tallaabooyin lagu yareenayo isku gudbinta fayraska. Ka hortagga faafitaanka cudurka inta lagu guda jiro xafladda waxay ilaalinaysaa shaqaalaha iyo dadka kasoo qeyb gala xafladda, sidoo kale waxay xadidaysaa in uu bulshada ku faafo khaasatan dadka nugul, sida aadka u yar oo aan la talaali Karin iyo kuwa laga yaabo inay aad u xanuunsadaan haddii uu cudurka ku dhaco. Dadka abaabula xafladda waxaa lagu dhiira galinayaa inay la yimaadaan istaraatiijiyado wax ku ool ah ay uga hortagayaan cudurka KOFID-19.
Maaskarada
- Kula tali oo shardi ka dhig in maaskaro la xirto marka heerka bulsho uu sareeyo maadaama qof kasta ay habboontahay in uu xirto maaskaro marka uu joogo gudaha iyo meelaha dadwaynaha ay isugu yimaadaan.
- Haddii aad marti galisid isku imaatin ama xaflad halkaas oo dadka isugu imaanaya ay halis ugu jira in ay qaadaan xanuun halis ah, kaasatan meelaha ciriiriga ah (tusaale, goobaha lagu cibaadaysto, hoolasha xafladaha iyo tiyaatarka) ka fakar in aad la imaatid siyaasad ku saabsan maaskarda iyo talloobooyin kale oo aad hoos ugu dhigaysid isku gudbinta KOFID-19, xitaa haddii heerka bulsho uu hooseeyo ama dhex-dhexaad yahay.
- Waxaad sameesaa siyaasad qusaysa maaskarada oo gaar kuu ah. Ganacsiyada waa in ay shardi ka dhigaan maaskarada xitaa marka aysan sharci ahay.
- U diyaari maaskarada shaqaalaha iyo dadka kasoo qeyb galaya.
- Qor oo ku dhaji tallooyinka ku saabsan maaskarada gudaha iyo dibada halka lagu qabanayo xafladda. Si aad usoo dagsato ama u daabacato calaamadaha maaskarada, booqo halkaan Minnesota COVID-19 Response: For Businesses.
- Wixii faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan maaskarada, booqo Waji-xirka: KOFID-19.
Baarista
- Kula tali shaqaalaha iyo dadka kasoo qeyb galaya in ay is baaraan iyaga oo isticmaalaya baarista degdega ah maalinta xafladda ay dhacayso.
- Kala hadal shaqaalaha iyo dadka kasoo qeyb galaya xafladda muhiimada ay leedahay in si shakhsi ah KOFID-19 iyo astaamiiiisa isaga baaraan gurigana ay joogaan waa haddii aad xanuunsantahay, waxaa jira liis ay ku qoran yihiin astamaaha, booqo halkaan CDC: Symptoms of COVID-19.
Hawa qaadashada
- Hagaaji socoshada hawada ( tusaale, fur daaqadaha).
- Markii ay macquul tahay, ku qabso xafladda oo dhan ama qeyb ka mid ah bannaanka.
- Haddii ay xafladda ku jiraan hawlo sababaya in gudbinta hawada (tusaale, heesida, qaylida, ciyaarta) ama u baahan in dadka ay iska bixiyaan maaskarada (tusaale, wax cunida iyo wax cabida), ku qabso xafladahaan halista aadka u saraysa keeni kara bannaanka.
- Xulo meel ay aad u wanaagsantahay nidaamkeeda hawa qaadista. Wixii faah faahin dheeraad ah oo quseeya hawada qaadista, booqo Indoor Air Considerations: COVID-19.
Iska ilaali meeaha ciriiriga ah
- Xadid dadka kasoo qeyb galaya.
- Aqoonso oo qorshee habka aad ku dhimi lahayd ciriiriga waddooyinka, safafka, meelaha la fariisto, meelaha laga galo iyo kuwa laga baxo iyo goobaha kale ay macquul tahay in ay ciriiri noqoto.
Qorsheynta iyo xiriirka
- Hubi heerka bulsha ee cudurka adiga oo isticmaalaya habka hay'adda CDC ee degmada COVID-19 by County si aad u aragto heerka bulsho ee KOFID-19 uu joogo ee qusaysa goobta xafladda lagu qabanayo, sidoo kale fuli istaraatijiyadaha lagu taliyey ee heerkaas.
- Kala hadal tallaabooyinka ka hortagga cudurka ee loo baahanyahay ama lagu taliyey shaqaalaha iyo dadka kasoo qeyb galaya xafladda.
- U qorshee sida ugu habboon si dadka kasoo qeyb galaya ay isaga nadiifiyaan gacmahooda.
- Haddii ay suura gali karto, samee hab dadka shaqaalaha ah, kuwa kasoo qeyb galaya iyo kuwa wax iibiya looga hubiyo in aysan qabin cudurka.
- Haddii ay xafladda dadka kasoo qeyb galayaan ay ku jiraan dad ka yimid goobaha saamaynta sare leh, sida dugsiyada K-12 ama xarumaha daryeelka muddada-dheer, hubi in qorshayaasha ka-hortagga KOFID-19 ay waafaqsan yihiin goobahaas oo lala socodsiiyay wakiillada goobahaas. Shardi ka dhig in wakiillo ka socda goobaha saamaynta sare leh si ay uga hadlaan xaaladda KOVID-19 ee goobahooda xafladda ka hor.
- Haddii aad qorshaynayso inaad dadka ogeysiiso in ay jiraan xaalado ay cudurka ku qaadi karaan, samee qorshe wargelin ah oo KOFID-19 ah si aad ugu wargeliso shaqaalaha iyo ka-qaybgalayaasha marka uu jiro kiisas la aqoonsaday xafladda ka dib. Qorshaha waa in lagu daraa marka dadka la ogeysiin doono, sida loo ogeysiin doono, iyo cidda ogeysiin doonta. Ku dar macluumaadka ku saabsan ficilada shaqsiga ah ee la sameeyo marka ay dhacdo in aad ka ag dhawaato qof qaba cudurka xafladda dhexdeeda. Tixraac Waxa aad Samaynayso Haddii Aad La joogtay Qof qaba COVID-19 (PDF).
- Ka fakar in aad xafladda dib u dhigtid goorta heerka bulsho uu aad u sareeyo sida ay qabto CDC.
Shaqaalaha caafimaadka
- Dib u fiiri oo dhaqan-geli tallaabooyinka badqabka shaqaalaha ee lagu taliyey taas oo ka timid hay'adda badqabka xirfadlayaasha iyo maamulka caafimaadka Booqo Minnesota Department of Labor and Industry MNOSHA Compliance: Novel Coronavirus (COVID-19).